Video: Cudurka Carona Virus oo soo gaaray dalka Soomaaliya.

Monday March 16, 2020 - 19:07:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Cudurka Carona Virus oo soo gaaray dalka Soomaaliya.

    Markii ugu horraysay ayaa cudurka Carona Virus laga helay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay ayaa cudurka Carona Virus laga helay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Fowziyo Abiikar oo ah wasiiradda caafimaadka dowladda Federaalka ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabtay Muqdisho ku sheegtay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha laga helay caabuqa Carona Virus taas oo ka dhigaysa markii ugu horraysay oo cudurkan dilaaga ah uu soo gaaro Soomaaliya.

Wasiirradu waxay sheegtay in lakaraantiilay dad badan oo ka ka yimid dibadda kuwaas oo looga shakiyay in ay qabaan caabuqa Carona.

Dhinaca kale waxaa si KMG ah loo joojiyay dhammaan duulimaadyadii imaan jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwii ka bixi jiray, Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ah wasiirka Duulista hawada ayaa sheegay in laga bilaabo 18 Maarso 2020 la joojin doono dhammaan duulimaadyada si looga gaashaanto Carona Virus.




Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items