Wararkii Ugu dambeeyay ee xaaladda Janaale iyo Weeraro maanta ka dhacay.

Monday March 16, 2020 - 19:35:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 47 2
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu dambeeyay ee xaaladda Janaale iyo Weeraro maanta ka dhacay.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan Sh/Hoose lagula beegsaday ciidamo huwan ah kuwaas oo dhaq dhaqaaq melleteri sameynayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore alshabaab oo weeraray saldhigga AMISOM ee Janaale
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan Sh/Hoose lagula beegsaday ciidamo huwan ah kuwaas oo dhaq dhaqaaq melleteri sameynayay.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in illaa 5 qarax lagu beegsaday ciidamo huwan shisheeye ah oo duullaan ku qaaday degmada Janaale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Afar gaari oo nuuca gaashaaman ah ciidamada AMISOM looga gubay qaraxyada oo ahaa silsilado, wararka ayaa intaas ku daraya qaraxyada kadib weerar naf hurnimo lagu beegsaday kolonyada ciidamada cadowga ah xilli ay ku socdaalayeen inta udhaxaysa deegaanka Buufoow iyo Janaale.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka naf hurnimo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay caawa ku hoyanayaan duleedka Janaale.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada AMISOM oo ku saabsan dagaallada iyo qaraxyadii xooganaa ee maanta lagula beegsaday deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items