Al Shabaab oo askar iyo saraakiil ku dishay magaalada Muqdisho.

Monday March 16, 2020 - 19:43:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 21 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo askar iyo saraakiil ku dishay magaalada Muqdisho.

    Xoogag hubaysan ayaa caawa dilal qorshaysan ka fuliyay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubaysan ayaa caawa dilal qorshaysan ka fuliyay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil.


Caawa Maqribkii ayay xoogag hubaysan xaafadda Sanca ee degmada Yaaqshiid ku dileen illaa laba askari oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay askarta dileen kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale dagaalyahanno hubaysan ayaa xaafadda Nasteexo ee deegaanka Madiina ku dilay sarkaal karirsanaa ciidamada Booliska dowladda kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Col. Weydoow, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilalka caawa Muqdisho ka dhacay.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items