Faa faahin: inkabadan 30 askarioo Shisheeye ubadan ayaa lagu dilay Weerarkii Nafhurnimada Ee dhacay shalay.

Tuesday March 17, 2020 - 09:13:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.9/5 Stars) Total Votes: 26
  • 43 35
  • Share via Social Media

    Faa faahin: inkabadan 30 askarioo Shisheeye ubadan ayaa lagu dilay Weerarkii Nafhurnimada Ee dhacay shalay.

    Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerar Nafhurnimo oo maalintii shalay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka lagula eegtay inta u dhexeysa Buufow iyo Jannaale oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerar Nafhurnimo oo maalintii shalay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka lagula eegtay inta u dhexeysa Buufow iyo Jannaale oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.



Naftii hure katirsan Xarakada  Al-Shabaab ayaa bartanka ka istaagay kolonyo ciidamo Shisheeye iyo Soomaali isuga jiray oo wadada isticmaalayay, waxaana uu halkaas ku dilay ciidamo aad u badan oo Shisheeye iyo Dowladda federaalkaba katirsan.

Ugu yaraan 24 askari oo Yugaandhees ah ayaa ku dhintay camaliyadda, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale. dhanka ciidamada dowladda federaalka waxaa camaliyadda looga dilay 9 askari oo labo kamid ah ay Bankrafta yihiin, halka ay ka dhaawacmeen 8 askari.



Gawaari gaashaman iyo kuwa kale ayaa ku bas beelay camaliyadda Nafhurnimada ah, kuwaas oo tiradoodu gaareyso illaa iyo 6 gaari, waxayna kala yihiin labo Tangi, labo Cabdi bile, Gaari Jemes ah oo uu Zuug ku xirnaa iyo mid Taw ah.

Maalintii shalay, waxaa ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalkaba ay la kulmeen weeraro culus oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, weeararo kamaa’in iyo qaraxyo isugu jiray waxaa ciidamada Shisheeyaha looga gubay ugu yaraan 4 gaari.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items