Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay.

Tuesday March 17, 2020 - 13:32:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dila xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dila xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanooda ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bartamaha magaaladaas ku dileen Cabdi Qani Guhaad oo ahaa madaxii sirdoonka maamulka isku magacaabay Somaliland ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay wadaan baaritaanno ay ku hayaan sidii ay usoo qaban lahaayeen kooxii geystay dilka taliyihii sirdoonka gobolka Sool.

Waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa lagu arkayaa ciidamo boolis ah kuwaas oo baaritaanno ku haya guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, dhowaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Laascaanood loogu dilay guddoomiyihii maxkamadda Sool.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items