Wararka ka
imaanaya magaalada Bi'ril Cabdi ee dhacda waqooyiga gobolka Saynaa ayaa
sheegaya in halkaas lagu toogtay ugu yaraan 6 qof oo shacab ah kuwaas oo kamid
ahaa dadka deegaanka ee diiday in ay wadashaqeyn layeeshaan ciidamada sirdoonka
Masaarida.
War qoraal
ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Alsiisi ayaa lagu
sheegay in lixda qof ee ladilay ay ahaayeen kuwa hubeysan oo iska hor'imaad
lagalay ciidamada ammaanka, dadka deegaanka oo ka jawaabayay sheegashada
dowladda ayaa ku sifeeyay fal dambiyeed marmarsiimo loo yeelayo.
waxaa la
sheegay in lixda qof ee lagu dilay magaalada Bi'ril Cabdi lagalasoo baxay
guryahooda ladibna ay si bareer ah utoogteen ciidamada booliska ee sida
melleteriga utababaray, telefeshinka ku hadla afka dowladda melleteriga alsiisi
ayaa baahiyay meydadka dhalinyarada ladilay oo dhulka daadsan isagoo ku
sifaynayay argagaxiso ay toogteen ciidamada ammaanka.
Gobolka
jaziirad u ekaha Saynaa waxaa bil walba ka dhacay gabood fallo ay geystaan
ciidamada xukuumadda faasidada ah ee alsiisi, warbixinno la aruuriyay ayaa
sheegaya in maamulayaasha Masar ay qaateen go'aan ah in ladilo dhammaan dadka
iska diida in ay jawaasiis unoqdaan sirdoonka xukuumadda Alqaahira.
Ciidamada dowladda Masar oo Shacab ku xasuuqay gobolka Saynaa.
Ciidamada Booliska Xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa dad shacab ah ku xasuuqay gobolka jaziirad u ekaha Saynaa oo ay ka socdaan qulqulatooyin sababay dhimashada kumanaan kun oo qof.