Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo Soomaaliya ka dhacay.

Tuesday March 17, 2020 - 16:34:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 5
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo Soomaaliya ka dhacay.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas qarax xooggan lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas qarax xooggan lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka.


Jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee udhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Danab ee lagu tababaray saldhigga ciidanka Mareykanka ee Balidoogle.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu sababay burbur xooggan oo gaaray gaari ka yimid dhanka Afgooye kunasii jeeday Muqdisho, dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah.


Sida wararku sheegayaan  gaari ay wateen ciidamada gummeysiga Kenya ayaa hertiyay miino dhulka lagu aasay wuxuuna qaraxaas sababay in gabi ahaanba uu gubto gaariga qaraxu beegsaday.

Ciidamada laweeraray ayaa ka amba baxay degmada Dhoobleey waxayna kusii jeedeen deegaanka xuduud beenaadka dhaca ee Dhoobleey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dhammaan ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee la socday gaariga qaraxu beegsaday, ciidamada Kenya ayaa weeraro kala kulmay Al Shabaab marka ay saadka isugu gudbinayaan saldhigyada ay ku leeyihiin Jubbada Hoose.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items