Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay mas'uul katirsanaa Wasaaradda maaliyadda maamulka 'Puntland'.

Wednesday March 18, 2020 - 10:32:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay mas'uul katirsanaa Wasaaradda maaliyadda maamulka 'Puntland'.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suleymaan Axmed Shire wuxuu kamid ahaa saraakiisha wasaaradda Maaliyadda Puntland
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.


Xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku dilay Mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda maaliyadda maamulka isku magacaabay 'Putnland' iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerar qorshaysan lagu dilay Suleymaan Axmed Shire oo kamid ahaa mas'uuliyiinta wasaaradda maaliyadda 'Puntland "Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Boosaso ku dilay sarkaal katirsanaa wasaarada maaliyadda maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland iyo laba askari oo ilaala u ahaa" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Isbuucan gudihiisa ayay Al Shabaab weeraro isugu jiray dilal iyo qaraxyo ka fulinayeen magaalada Boosaaso sidoo kale waxay weeraro madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items