Cudurka Carona Virus oo gaaray wadanka Jabuuti.

Wednesday March 18, 2020 - 12:16:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona Virus oo gaaray wadanka Jabuuti.

    Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ee dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa sheegay in halkaas laga helay qofkii ugu horreeyay ee qaba cudurka Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ee dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa sheegay in halkaas laga helay qofkii ugu horreeyay ee qaba cudurka Carona Virus.


War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in hal qof oo qaba caabuqa Carona lagu karaantiilay magaalada Caasimadda ah ee Djibouti.

Qofka laga helay Carona ayaa la sheegay in uu kasoo laabtay dalka dibadiisa, kiiskan cusub ee lagasoo calaamadeeyay Jabuuti ayaa ka dhigan in dhammaan wadamada bariga Afrika uu cudurkan wada gaaray.

illaa iyo hadda lamasoo sheegin wax dhimasho ah oo Carona Virus uu ka geystay wadamada geeska qaaradda Afrika, dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa soo saaray awaamir ay ku joojinayaan duulimaadyada soo galo wadamadaas iyo kuwii ka bixi jiray.


Carona Virus oo ah caabuq si xowlli ah ufaafaya ayaa dabayaaqadii sanaddii 2019 kasoo bilaawday wadanka Shiinaha wuxuuna ku faafay illaa 156 dowladood isagoo meelaha qaar dad badan kulaayay sida Talyaaniga,Iiraan iyo Koonfurta Kuuriya.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items