Xasan Cali Kheyre oo socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa.

Wednesday March 18, 2020 - 12:33:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre oo socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa.

    R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loosi shaacin ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore Kheyre iyo Haele Maryam
R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loosi shaacin ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.


Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Farmaajo ayaa sheegtay in socdaalka Kheyre uu salka ku hayo xoojinta xiriirka udhaxeeya Itoobiya iyo dowladda Federaalka.

Socdaalka Kheyre ayaa qeyb ka ah safarro isdaba joog ah oo labadii bilba mar ay Farmaajo iyo Kheyre ku aadaan dalka Itoobiya oo ah meesha laga hago siyaasadda xukuumadda Villa Somalia.

Sanaddii 2018 ayuu Farmaajo R/wasaaraha Itoobiya usaxiixay heshiis dhigaya in Addis Ababa lawareegto Afar dekadood oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed wixii xilligaas ka dambeeyay ayay Itoobiya sare uqaadday galaangalka ay ku leedahay Soomaaliya iyadoo taageero indha la'aaneed siinaysa dowladda Farmaajo.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items