Madaxii Canshuuraha degmada Kaxda oo ladilay iyo weeraro ka dhacay Baydhabo& duleedka Kismaayo.

Wednesday March 18, 2020 - 12:35:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 37 4
  • Share via Social Media

    Madaxii Canshuuraha degmada Kaxda oo ladilay iyo weeraro ka dhacay Baydhabo& duleedka Kismaayo.

    Weeraro khasaara badan dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara badan dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Xoogag hubeysan ayaa xalay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa waaxda maaliyadda maamulka gobolka Banaadir, goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubaysan ay dileen Xasan Fadareeshin oo ahaa madaxii Canshuuraha degmada Kaxda.

Weerar kale oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sababay dhimashada Cabdullaahi Yariis oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada booliska maamulka isku magacaabay "Koonfur Galbeed'.


Dhanka gobolka Sh/hoose weerar dhabbagal ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen wadada xiriirisa deegaannada Bariire iyo Awdheegle ayaa lagu dilay askari iyadoona xoogaga weerarka qaaday ay askariga ladilay ka furteen qori AK47 ah.

Deegaanka Yoontooy ee duleedka magaalada Kismaayo ugu yaraan hal askari ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dagaalyahanno jihaadi ah ay weerar ku qaadeen goob isbaaro utiillay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items