Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar madaafiic ah oo Xalane lagu qaaday.

Wednesday March 18, 2020 - 19:37:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 47 4
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar madaafiic ah oo Xalane lagu qaaday.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa caawa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa caawa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin Soomaaliya.


Jugta qaraxyo xooggan oo ka dhashay dhowr hoobiye ayaa laga maqlay gudaha xerada Xalane,War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalyahanadoodu ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigga Xalane.

"Mujaahidiinta ayaa illaa 5 mafac lahelay xerada Xalane oo ay deganyihiin saliibiyiinta duullaanka kusoo qaadday dalka Soomaaliya waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo cadowga gaaray" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in jugta qaraxyada lagu weeraray Xalane laga maqlayay xaafado katirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, ma ahan markii ugu horraysay oo weeraro dhanka madaafiicda ah lagu qaado saldhigga Xalane oo ay kuyaallaan inta badan xarumaha shirkadaha amniga ee taageera AMISOM iyo dhismayaasha safaaradaha reergalbeedka.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items