Guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buureey oo Weerar qorshaysan lagu dilay.

Thursday March 19, 2020 - 08:53:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 23 4
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buureey oo Weerar qorshaysan lagu dilay.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro khasaara lagu gaarsiiyay maamulka 'Koonfur Galbeed'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro khasaara lagu gaarsiiyay maamulka 'Koonfur Galbeed'.


Weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buureey ugu magacaawnaa maamulka Cabdi Caziiz Laftagareen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan oo Al Shabaab katirsan ay weerar qorshaysan ku dileen guddoomiyaha oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Buyow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagga weerarka geystay ay horay usii qaateen hobyo iyo agabyo kale oo uu lahaa guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buureey.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax miino lagu beegsaday ciidamo katirsan maamulka Laftagareen, warar hodhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 7 askari ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items