Qaraxyo lagu beegsaday Kaamirooyinka wax basaasa oo Makka Al Mukarrama ka dhacay.

Thursday March 19, 2020 - 10:27:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 23 34
  • Share via Social Media

    Qaraxyo lagu beegsaday Kaamirooyinka wax basaasa oo Makka Al Mukarrama ka dhacay.

    Weeraro qaraxyo ah ayaa markale lagu beegsaday Kaamirooyinka wax basaasa ee ku xiran qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro qaraxyo ah ayaa markale lagu beegsaday Kaamirooyinka wax basaasa ee ku xiran qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.


Saaka aroortii hore salaadii subax kadib ayaa jugta qaraxyo waaweyn laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa lagu burburiyay qaar badan oo kamid ah baallooyinka ay ku xiranyihiin Kaamirooyinka Jaajuusidda ee CCTV-ga loo yaqaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhowr qarax ay ka dhaceen isgoysyada Dabka,Sayidka iyo Shaqaalaha waxaana dhammaantood lagu beegsaday baallooyin uu Sirdoonka dowladda ku xiray kaamirooyinka wax duubo.


Sawirro lagasoo qaaday goobaha qaraxyadu beegsadeen ayaa muujinayay burbur gaaray kaamirooyinka dowladdu ku basaasaysay shacabka muslimiinta ah, rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamada dowladda ayaa laga maqlay wadada Makka Al Mukarrama daqiiqado kadib markii ay qaraxyadu dhaceen.

30-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii sidaan oo kale qaraxyo loogu burburiyay kaamirooyinka basaasnimada ee wadada Makka Al Mukarrama, dhacdooyinkan ayaa banaanka soo dhigaya sida laamaha ammaanka DF-ka ay ugu fashilmeen sugidda ammaanka wadada kaliya ee ay isticmaalaan gaadiidka madaxda dowladda.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items