Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay ku fashilantay Xakameynta Carona Virus.

Thursday March 19, 2020 - 11:54:21 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay ku fashilantay Xakameynta Carona Virus.

    R/wasaaraha dowladda Talyaaniga ninka lagu magacaabo Giuseppe Conte announced ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Roma wuxuu ku sheegay in lagu guul darraystay dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xakameeyo Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha dowladda Talyaaniga ninka lagu magacaabo Giuseppe Conte announced ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Roma wuxuu ku sheegay in lagu guul darraystay dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xakameeyo Carona Virus.



Dowladda Talyaaniga waxay sheegtay in inkastoo la karaantiilay dad ka badan 60 malyan oo qof hadane dhimashadu ay tahay mid si xowlli ah ku socota islamarkaana uu cudurku dadka ugu gelayo guryahooda.

Wadanka Talyaaniga shalay iyo maanta waxay u aheyd maalmo kale oo madoow kadib markii ay mar qura dhinteen dad ku dhow 500 oo qof, wasaaradda caafimaadka talyaaniga ayaa bayaan ku sheegtay in shalay ay dhinteen 475 qof oo ahaa bukaanadii lajiifay cudurka, dhimashada ugu daran waxay ka dhacday koonfurta iyo waqooyiga wadanka.



Anjiilo Boorliili oo ah madaxa guddiga difaaca bulshada Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in guud ahaa dadka uu Carona ku dilay Talyaaniga ay ka badanyihiin 2978 oo qof halka ay lajiifaan 37,000 kun oo qof wuxuu dhimashadan xad dhaafka ah usababeeyay bukaanada oo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato.

Carona Virus ayaa ku faafay in kabadan 172 dal oo caalamka katirsan waxaana socda dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu xakameeyo halista cudurkaan, dowladaha Mareykanka,Shiinaha iyo Faransiiska ayaa sheegay in ay bilaabeen tijaabada daawo awood u leh in ay disho Viruska Carona.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items