Saacad walba waxaa dalka Iiraan ku dhimanaya 6 qof.

Thursday March 19, 2020 - 16:19:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saacad walba waxaa dalka Iiraan ku dhimanaya 6 qof.

    Musiibo lagu hoobtay ayaa lagasoo sheegayaa wadanka iiraan ee dadkiisu Shiicada ubadanyihiin, Cudurka carona Virus ayaa fara ba'an ku haya dadka wadankaas deggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musiibo lagu hoobtay ayaa lagasoo sheegayaa wadanka iiraan ee dadkiisu Shiicada ubadanyihiin, Cudurka carona Virus ayaa fara ba'an ku haya dadka wadankaas deggan.



Iiraan waxay aheyd dalka labaad ee ugu dhimashada Badan Carona Virus ka hor intii uusan ka sare marin Talyaaniga.

Dhimashada ayaa ku dhow 2kun oo qof inta ay dowladdu shaacisay balse waxaa larumeysanyahay in kumanaan kun ay dhantahay sababa laxiriira maamulayaasha wadanka oo aad uxadidaya shaacinta dadka uu carona laayay.

Iiraaj xariirji oo ah kaaliyaha wasiirka caafimaadka Iiraan ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Tahraan in saacad walba ay 6 qof iiraaniyiin ah udhimanayaan Carona Virus halka uu soo ridanayo dad gaaraya 50 qof.



Caddaymahan ay bixiyeen mas'uuliyiinta katirsan dowladda Shiicada Iiraan waxay ka dhiganyihiin in maalintii uu Carona dilo dad gaaraya 144 qof uuna asiibayo 1200 oo qof.

"haddii aanan Viruska ku xakamayn 15 maalmood gudahood waxay nagu qaadan doontaa in aan 2 bilood dhimashaduna waa nagu badan doontaa"sidaas waxaa yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Iiraan.

Dad tiiraanyaysan ayaa lagu arkaya waddooyinka magaalada caasimadd ah ee dahraan kuwaas oo soo aasay ehelladooda iyo xigtadoodi, warbaahinnada qaar ayaa sheegaya in dadka uu carona ku laayay iiraan ay ku dhowyihiin 7kun oo qof balse xukuumaddu ay isticmaalayso siyaasad qarin ah.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items