Dowladda Federaalka oo dib ufasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Saturday March 21, 2020 - 12:56:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo dib ufasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

    Wasaaradda duulista hawada dowladda Federaalka ayaa markale ku dhawaaqday in dib loo furay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kadib maalmo ay hakad ku jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka duulista hawada DF-ka
Wasaaradda duulista hawada dowladda Federaalka ayaa markale ku dhawaaqday in dib loo furay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kadib maalmo ay hakad ku jireen.


War qoraal ah oo kasoo baxay Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa lagu sheegay in si KMG ah loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha wuxuuna sabab uga dhigay dad badan Soomaali ah oo ku xayiran dalka dibaddiisa.

Lacago boqolaal kun oo dollar ah ayaa isbuuc walba dowlada Federaalka kasoo geli jiray garoonka diyaaradaha iyadoo lacag canshuur ah ka qaadi jirtay diyaaradaha soo caga dhigta madaarka caalamiga ah.


Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa isbuucii lasoo dhaafay go'aamisay in muddo 15 maalmood ah lamamnuucay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwii maxalliga ahaa ee kasoo degi jiray garoomada kala duwan ee dalka balse waxaa muuqata in go'aankaas uusan sidii larabay udhaqan gelin.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items