Wasiir katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed' oo iscasilay.

Saturday March 21, 2020 - 20:18:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiir katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed' oo iscasilay.

    Khilaafka ka dhaxjira mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa sababay in qaar kamid ah wasiirada maamulkaas iscasilaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka ka dhaxjira mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa sababay in qaar kamid ah wasiirada maamulkaas iscasilaan.


Qaabka loosoo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay khilaaf siyaasadeed, inta badan xildhibaannadii baarlamaanka maamulkaas ee aan ku fikirka aheyn hoggaanka dowladda Federaalka ayaa loo diiday in ay markale xildhibaanno noqdaan.

Aadan Xasan Maxamed oo ahaa wasiirkii Dastuurka maamulka Cabdi Casiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay, war qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka iscasilay ayuu ugu mahad celiyay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed balse wuxuu ka gaabsaday in uu sheego sababta uu shaqada uga tagay.


Isbuucii lasoo dhaafay ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho laga celiyay mas'uuliyiin katirsanaa maamulka fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo kuwaas oo khilaaf kala dhaxeeyay Laftagareen.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items