Qaraxyo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Sunday March 22, 2020 - 09:53:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan Sh/hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weeraro lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan Sh/hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weeraro lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Qarax xooggan ayaa shalay gelinkii dambe ciidamo Mareykanku tababaray lagula eegtay deegaan hoos taga degmada Janaale, wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaraxu haleelay xilli ay ku socdaalayeen dhul beereed.

Dhinaca kale qarax miino ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen bar koontarool oo kutaal deegaanka Garasbaaleed ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada qaraxa lala helay ayaa ahaa kuwa PS-ta loo yaqaan ee howlgallada raafka ah kula kaca dadka shacabka ah ee sunnadu ka muuqato.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items