Weerar hubaysan oo markale ka dhacay gobolka Lamu.

Sunday March 22, 2020 - 16:46:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar hubaysan oo markale ka dhacay gobolka Lamu.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay markale weerar hubaysan ka fuliyeen gudaha wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay markale weerar hubaysan ka fuliyeen gudaha wadanka Kenya.


Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in xoogag hubaysan ay weerar ku qaadeen goob uu ka socday dhismaha wadada isku xirta dekadda Lamu iyo Kenya inteeda kale.

Moses Murithi oo ah taliyaha booliska gobolka Lamu ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay dagaal lagaleen dagaalyahanno hubeysan kuwaas oo weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Garsen.

Dowladda Kenya ma sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamadeeda kasoo gaaray weerarkan ka dhacay gobolka Balse illaa iyo haddana wax war ah kamasoo bixin dhanka taliska ciidanka Al Shabaab oo ku saabsan weerarkan cusub ee Lamu ka dhacay.


 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items