Ciidamo Boolis ah oo lagu dilay degmada Hodon ee Muqdisho.

Sunday March 22, 2020 - 16:49:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamo Boolis ah oo lagu dilay degmada Hodon ee Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar Bambaano lagula beegsaday suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Khudaarta.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, markii qaraxu dhacay kadib ayay goobta gaareen ciidamo dheeraad ah kuwaas oo meydadka iyo dhaawacyada goobta ka qaaday.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana weeraradaas mas'uuliyadooda sheegata Xarakada Al Shabaab.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items