Al Shabaab oo qarax ku dilay taliyihii Booliska degmada Afgooye iyo askar ilaala u ahaa.

Sunday March 22, 2020 - 19:34:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 7
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo qarax ku dilay taliyihii Booliska degmada Afgooye iyo askar ilaala u ahaa.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu dilay mas'uul katirsanaa maamulka dowladda Federaalka uqaabilsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu dilay mas'uul katirsanaa maamulka dowladda Federaalka uqaabilsan gobolka Sh/hoose.


Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sababay dhimashada Col. C/qaadir Nuunoow oo ahaa taliyaha booliska degmada Afgooye iyo 5 askari oo ilaala u aheed.

"Mujaahidiinta ayaa qarax ku dilay Taliyihii Booliska kooxda Ridada uqaabilsanaa degmada Afgooye iyo 5 askari oo ilaala u ahaa" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qarax miino uu haleelay gaari Cabdi bile ah oo uu la socday taliyaha booliska degmada Afgooye, goob joogayaal ayaa sheegay in ay wadada hareeraheeda ku arkeen gaari si xun ugu gubtay qaraxii galabta ka dhacay Lafoole.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items