Jeneraal katirsanaa Melleteriga Masar oo cudurka Carona ugeeriyooday.

Monday March 23, 2020 - 07:06:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal katirsanaa Melleteriga Masar oo cudurka Carona ugeeriyooday.

    Mas'uulkii ugu horreeyay oo katirsan dowladda Masar ayaa u dhintay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus kaasi oo si aan horay loo arag ugu faafaya qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uulkii ugu horreeyay oo katirsan dowladda Masar ayaa u dhintay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus kaasi oo si aan horay loo arag ugu faafaya qaaradda Afrika.


War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Al Qaahira ayaa lagu sheegay in Jeneraal Khaalid Shaltuut uu shalay ugu geeriyooday Carona Virus, Jeneraalka ayuu cudurku asiibay kadibna waxaa ladhigay isbitaalka magaalada Al Qaahira halkaas oo uu markii dambe ku dhintay.

Taamir Al Rufaaci oo ah Afhayeenka ciidanka Melleteriga Masar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Jeneraal Khaalid uu kamid ahaa saraakiil ciidan oo wadanka ka waday howlgal wacyi gelin ah oo ka dhan ah Carona Virus.


Jeneraalka dhintay ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada ee sida aadka ah uga qeyb qaatay Inqilaankii uu Alsiisi talada kula wareegay sanaddii 2013
Cabdi Fataax Alsiisi oo ah madaxweynaha Inqilaabka ku qabsaday talada dalka Masar ayaa warbaahinta ka xaqiijiyay in shalay ay 2 qof udhinteen Carona Virus islamarkaana ay lajiifaan dad gaaraya 294 qof.

Wasaaradda caafimaadka Masar waxay sheegtay in dadka udhintay Carona Virus ay gaarayaan 10 qof, wadanka Aljazaa'ir ee dhaca waqooyi qaaradda Afrika ayaa noqday meesha ugu badan ee Carona dad ku dilo qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items