Mid kamida Saraakiisha Dowladda ee Turkigu tababaray oo Muqdisho lagu dilay.

Monday March 23, 2020 - 08:03:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Mid kamida Saraakiisha Dowladda ee Turkigu tababaray oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.


Xoogag hubaysan ayaa xalay maqribkii degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee ay tababartay dowladda Turkiga.

Asad Cabdullaahi Xaaji oo katirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan Guutada Gorgor ee Turkigu tababaray ayay xoogag katirsan Al Shabaab ku dileen degmada Dharkeynleey sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.

Ugaarsi xooggan oo ka dhan ah askarta iyo saraakiisha lagusoo tababaray dalka Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowlli ah uga socday magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items