Iska hor'imaadyo ka dhacay deegaannada Lafoole iyo Hoosingoow.

Monday March 23, 2020 - 08:08:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaadyo ka dhacay deegaannada Lafoole iyo Hoosingoow.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ka sameysteen deegaanka Hoosingoow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ka sameysteen deegaanka Hoosingoow


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsanayeen ciidamada Melleteriga Kenya iyo xoogaga weerarka qaaday.

Dhinaca kale dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa  xalay weeraray laba fariisin  ay askarta Dowladda Federaalka ahi ku leeyihiin Lafoole.

Weerarada oo dhacay fiidkii xalay ayaa waxay isku waqti ku qaadeen fariisin ay Lafoole ka deggan yihiin ciidamada dowladda iyo isbaaro u taallay halka loo yaqaano Shanta tiir.


Sida aan kasoo xiganay goob joogayaal xabbada ayaa socotay muddo ku dhow saacad barkeed mana jirin wax gurmad ah oo ay askartan ka heleen dhanka Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo shalay halkaa lagu dilay taliyihii Booliska degmada Afgooye iyo ciidamo la socday kadib markii qarax weyn lala beegsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items