Al Shabaab Oo Gaalkacyo ku dilay mid kamida Golaha deegaanka 'Puntland'.

Monday March 23, 2020 - 08:22:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gaalkacyo ku dilay mid kamida Golaha deegaanka 'Puntland'.

    Maamulka Puntland ayaa faah faahiyay dil xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo dilkaas oo loo geystay mid kamida golaha deegaanka maamulka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa faah faahiyay dil xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo dilkaas oo loo geystay mid kamida golaha deegaanka maamulka.


Wararka ka imaaaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay xalay fiidkii halkaas ku dileen Mukhtaar Axmed Cumar oo kamid ahaa golaha deegaanka maamulka Mudug qeybta Puntland.

Taliye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo qeybta maamulka Saciid Deni ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka xubin kamid ah golaha deegaanka islamarkaana uu dhaawac soo gaaray askari ilaala u ahaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hasha "Mujaahidiinta ayaa Gaalkacyo ku dilay mid kamida xubnaha golaha deegaanka ee maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay XSHM.


Ma ahan markii ugu horraysay oo dilal ka dhan ah askarta iyo saraakiisha maamullada Puntland iyo Galmudug ay ka dhacaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items