Al Shabaab oo weeraro ciidamo badan lagu laayay ka fuliyay degmada Janaale iyo duleedkeeda.

Monday March 23, 2020 - 19:44:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 12
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weeraro ciidamo badan lagu laayay ka fuliyay degmada Janaale iyo duleedkeeda.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay kadib markii qarax lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haya degmada Janaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari nuuca ciidanka xambaara ah ay miino kula qaraxday inta udhaxaysa Buufoow iyo Janaale.

Gabi ahaanba gaariga ayaa gubtay waxaana ku dhintay todobo askari iyadoona ay dhaawacmeen ciidamo kale, sidoo kale xoogaga Al Shabaab ayaa galabta duqeyn ba'an ugeystay saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka uga sugnaayeen Janaale.


Wariyaal ayaa soo sheegay in 40 madfac lala helay saldhigyada ciidamada huwanta ah, intii ay duqeynto socotay ayaa la arkayay holac ka baxayay saldhigyada waxaana gubtay keydad hub iyo teendhooyin udhisnaa cadowga.

Dad ku sugan Janaale ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ay isaga bexeen saldhigyada kadib duqeyntii galabta waxayna degeen duleedka degmada, Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa larumeysanyahay in uu ka dhashay weerarkii galabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items