Mas'uul katirsanaa Ciidanka Canshuuraha dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

Monday March 23, 2020 - 19:40:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Ciidanka Canshuuraha dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar faah faahsan ayaa laga helay weerar hubeysan oo maanta ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa laga helay weerar hubeysan oo maanta ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.


Xoogag hubaysan ayaa maanta duhurkii gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta Cabshuur qaadista.

Laba Xidigle Carab Budul oo ahaa sarkaal boolis ayay xoogag Al Shabaab katirsan ku dileen degmada Howlwadaag xilli uu lacago baad ah ka qaadayay goobo ganacsi sida ay wararku sheegayaan.

24-kii saac ee lasoo dhaafay degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu fuliyay askar iyo saraakiil katirsan DF-ka waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items