Warar sheegaya in 6 qof Soomaali ah ay cudurka Carona ugu dhinteen dalka Sweden.

Tuesday March 24, 2020 - 11:12:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaya in 6 qof Soomaali ah ay cudurka Carona ugu dhinteen dalka Sweden.

    Wararka ka imaanaya wadanka Sweden ee qaaradda Yurub ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa oo Soomaali ah mar qura ugu dhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Sweden ee qaaradda Yurub ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa oo Soomaali ah mar qura ugu dhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.



Telefeshinka dalka Sweden SVT ayaa xalay baahiyay in lix qof oo Soomaali ah ay cudurka Carona ugu dhinteen gobollada kala duwan ee wadankaasi.
Dowladda Sweden waxay warbixinteeda ku sheegtay in dadka dhintay ay qarsanayeen cudurka islamarkaana aan lageyn goobaha caafimaadka ee lagula tacaalayo dadka qaba caabuqan.

Xarunta caafimaadka Sweden ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Afar qof ay shalay cudurka ugu dhinteen gobolka Skutskar, dadkii shalay dhamaantood jinsiyadoodu waxay aheyd Soomaali sida ay warbaahinta maxalliga ah sheegtay.



Wadamada Scandinavia-ka qaaradda Yurub wadanka ugu dhimashada badan cudurka Carona Virus waa Sweden waxayna dhimashada guud gaartay 25 qof, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin guddiga jaaliyadda Soomaalida dalka Sweden oo ku saabsan lixda kiis ee udhimatay caabuqan halista ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items