Diyaarad Q.Midoobay leedahay oo Meydad iyo dhaawacyo ka daabushay Sh/Hoose.

Tuesday March 24, 2020 - 11:37:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 3
  • Share via Social Media

    Diyaarad Q.Midoobay leedahay oo Meydad iyo dhaawacyo ka daabushay Sh/Hoose.

    Sida wararku sheegayaan khasaara lixaad leh ayaa ciidamada huwanta ah kasoo gaaray weeraro shalay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida wararku sheegayaan khasaara lixaad leh ayaa ciidamada huwanta ah kasoo gaaray weeraro shalay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Diyaarad nuuca qumaatiga ukacay ah ayaa saaka caga dhigatay deegaanka Janaale halkaas oo shalay gelinkii dambe uu ka dhacay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in diyaaradda oo ay ku buufsaneed calaamadda UN-ka lagu daabulay meydad iyo dhaawacyo, illaa 40 madfac ayay xoogaga Al Shabaab shalay ku weerareen saldhigyada ciidamada huwanta ah.

Diyaaradda caga dhigatay Janaale ayaa meydad iyo dhaawacyo ka dajisay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ku leeyihiin dalka Soomaaliya, dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu weeraray ciidamo Yugaandheys ah xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Buula Mareer iyo Golweyn.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items