Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay dalka Mozambique,

Tuesday March 24, 2020 - 19:07:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay dalka Mozambique,

    Wararka ka imaanaya wadanka Mozambique ee dhaca dhaca koonfurta qaaradda Afrika ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kadib markii ay ku neef qabatoobeen gaari qafilan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mozambique ee dhaca dhaca koonfurta qaaradda Afrika ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kadib markii ay ku neef qabatoobeen gaari qafilan.



ilo wareedyo laga helay Mozambique ayaa sheegaya in ugu yaraan 64 qof meydadkood laga helay xuduudda uu wadankaas lawadaago wadanka Malaawi, afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Mozambique ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari shaaximan oo ay ku dhax jiraan 64 Meyd iyadoona lasoo badbaadiyay 14 kale.

howlgal ka dhacay bartamaha wadanka Mozambique ayaa sababay in gacanta lagu dhigo gaari nuuca xamuulka qaada ah oo dusha sare looga raray raashin iyo khudaar halka qeybta hoos lagu qariyay dad ku dhow boqol qof taas oo sababtay in dadku ay waayaan meel ay hawo ama Oksijiin ka helaan.



Buundada degmada Moosakaana ee xuduudda dhacda ayaa lagu qabtay gaarigan siday dadka tahriibayaasha ah oo dhammaantood kasoo jeeday dalka Itoobiya, kumanaan tahriibayaal sifo sharci darra ah ku socda ayaa sanad walba ka gudbay wadamada Mozambique iyo Malaawi waxayna xoogsi shaqo u aadaan dalka Koonfur afrika.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa xuduudaha ay wadaagaan tanzaaniya iyo Malaawi waxaa lagu qabtay gaari konteerro siday baaritaan kadibna waxaa laga dhax helay meydadka tobanaan qof tahriibayaal ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items