Roobabka Guga oo ka curtay qaar kamid ah gobollada Soomaaliya.

Wednesday March 25, 2020 - 09:15:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobabka Guga oo ka curtay qaar kamid ah gobollada Soomaaliya.

    Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Jubbooyinka,galguduud iyo sh/dhexe,Sh/hoose iyo Hiiraan ee Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Jubbooyinka,galguduud iyo sh/dhexe,Sh/hoose iyo Hiiraan ee Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Jubba dhexe ayaa sheegaya in roobab saacado badan qaatay ay shalay gelinkii dambe ka da’een qaar kamid ah degmooyinka Jubbada dhexe.

Sidoo kale roobabku waxay ka da’een degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka shabeelaha dhexe, sida dadka deegaanka sheegeeyeen roobabka oo biya dhigay waddooyinka ayaa ahaa bilaawga xilliga Guga oo curtay, dadka iyo duunyada ayaa ku qaboowsaday roobabka Guga oo si rasmi ah ucurtay.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka curteen roobabka Guga, xoola dhaqatada deggan meelaha ka fog deegaannada roobabku ka da'een ayaa bilaaban in ay xoolahooda uraraan halka naqu ka da'ay.


Roobabka ka da’ay gobollo katirsan dalka Soomaaliya yaa kusoo aadaya xilli sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay uu Jiilaal ka jiray dalka waloow aysan jirin wax abaar ah sababa laxiriira Dayrtii lasoo dhaafay oo aheyd mid barwaaqo ah oo lagu diirsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items