40 Madfac oo lagu weeraray Saldhiyo kuyaal degmada Janaale.

Wednesday March 25, 2020 - 09:42:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 15 0
  • Share via Social Media

    40 Madfac oo lagu weeraray Saldhiyo kuyaal degmada Janaale.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamo huwan ah uga suganyihiin deegaanka katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamo huwan ah uga suganyihiin deegaanka katirsan Sh/Hoose.



Abaaro 07:30-kii subaxnimo ee saaka waxaa madaafiic lagu weeraray ciidamada Uganda ee dhawaan qabsaday degmada Jannaale iyo askarta Dowladda Federaalka ee wehlinaya.

Wararka naga soo gaaraya degmada oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in tobaneeyo madaafiic ah ay ku hoobteen halka ay deggan yihiin ciidamadaas.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ay arkayeen qiiq iyo uuro ka baxaysay xerada shisheeyaha kuwaas oo mararka qaar ridayay rasaas.


Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ciidamadan shisheeye kaso gaaray duqeynta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in wax ka badan 40 madfac ay ku hoobteen gudaha saldhigyada ciidamada isbahaysanaya ee dhowaan qabsaday degmada Janaale, qiic iyo uuro madoow ayaa sheedda sare laga arkayay daqiiqado kadib markii ay soo idlaatay duqenta balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dorraad ayay ahayd markii sidaan oo kale duqeymo gaaraya afartan madfac loogu beegsaday saldhigyada melleteri ee ciidamada huwanta ah ku leeyihii Janaale.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee DFS oo aan la xariirnay ayaa sheegay in aysan cayimi karin haddii ay khasaare dhaliyeen duqeymahan.

Ciidamada shisheeye ayaa waxay si joogto ah ula kulmaan weeraro kala duwan oo uga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items