Wasiirkii Difaaca dowladda Suudaan oo si lama filaan ah u dhintay.

Wednesday March 25, 2020 - 09:56:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Difaaca dowladda Suudaan oo si lama filaan ah u dhintay.

    Wakaaladda wararka ufaafisa wadanka Suudaan ayaa xaqiijisay in uu si lama filaan ah ugeeriyooday wasiirkii difaaca Xukuumadda Al Khurduum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda wararka ufaafisa wadanka Suudaan ayaa xaqiijisay in uu si lama filaan ah ugeeriyooday wasiirkii difaaca Xukuumadda Al Khurduum.



Jeneraal Jamaal Cumar oo muddo 30 sanadood ah ku dhax jiray melleteriga Suudaan ayaa ku dhintay wadanka Koonfurta Suudaan xilli uu halkaas uga qeyb gelayay shir dib uheshiisiineed oo u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Suudaan ayaa u sheegay warbaahinta in wasiirka uu kusoo booday cudurka wadna xanuunka wuxuuna beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in uu soo ritay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.



Dhimashada Jenaraal Jamaal Cumar wasiirkii difaaca Suudaan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan uu isku day dil ka badbaaday Cabdalla Xamduuk oo ah R/wasaaraha xukuumadda KMG ah ee kajirta magaalada khurduum.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

 

Related Items