Maleeshiyaad Maxbuus kala baxay Xabsiga magaalada Gaalkacyo.

Wednesday March 25, 2020 - 11:32:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Maxbuus kala baxay Xabsiga magaalada Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu iska hor'imaad ku dhaxmaray ciidamada maamulka 'Puntland' iyo maleeshiyo beeleedyo hubeysan kuwaas oo weeraray saldhig ciidan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyada weerarka qaaday ay ku guuleysteen in saldhigga Booliska qeybta Waqooyiga Gaalkacyo ay kala baxaan nin maxabuus gacan ku dhiigle ah oo dil ku xukunnaa.

Xiisado ayaa laga dareemayaa xarunta gobolka Mudug qeybta uu ka arrimiyo maamulka 'Puntland', ciidamo boolis ah ayaa isku dayay in ay maleeshiyaadka iska difaacaan balse markii dambe ayaa loo awood sheegtay.


Qulqulatooyin dhanka amniga ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaana halkaas lagasoo calaamadeeyay dilal qorshaysan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items