Weerar Cag marin ah oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Wednesday March 25, 2020 - 14:00:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 31 0
  • Share via Social Media

    Weerar Cag marin ah oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar xooggan uu ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar xooggan uu ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo.


Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday sldhig maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed ay ku lahaayeen deegaanka Daynuunaay.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta saldhigga deegaanka Daynuunaay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qarax miino wadada laamiga ah lagula eegtay maleeshiyaadka "Koonfur Galbeed" xilligii ay kasii firxanayeen deegaanka waxaana gabi ahaanba burburay gaari Cabdi bile  ah  iyadoona dhimasho iyo dhaawac ah noqdeen ciidamadii la socday.


Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii Daynuunaay waa 5 dhimasho ah iyo dhaawac soo gaaray Afar askari sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka amniga ah

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items