Sarkaal katirsan ciidanka DF oo laga helay cudurka Carona Virus.

Thursday March 26, 2020 - 12:24:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 9 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan ciidanka DF oo laga helay cudurka Carona Virus.

    Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya qofkii labaad oo qaba xanuunka Carona Virus ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya qofkii labaad oo qaba xanuunka Carona Virus ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.


Fowsiya Abiikar Nuur oo ah wasiiradda caafimaadka ayaa xaqiijisay in lakaraantiilay qofkii 2aad oo qaba xanuunka Carona, waxay sheegtay in baaritaan caafimaad kadib ruuxan oo rag ah laga helay cudurka islamarkaana meel gaar ah lagu karaantiilay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in afar kamida saraakiisha ciidamada dowladda oo dhowaan dib ugasoo laabtay dalka Talyaaniga mid kamida laga helay xanuunka Carona.

Sarkaalkan ayaa lagu qabtay garoonka diyaradaha Muqdisho kadibna waxaa geeyay xarun caafimaad halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaninayo.
Dowladda Federaalka ayaa xiriir dhow laleh dowlado uu faraba ba'an ku hayo Carona Virus sida Talyaaniga,Turkiga iyo Shiinaha waxaana laga cabsi qabaa in isha uu cudurkan Soomaalida uga faafo uu noqdo madaxda dowladda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items