Wararkii Ugu dambeeyay: Cudurka Carona oo kumanaan ku dilay Mareykanka iyo Yurub.

Thursday March 26, 2020 - 19:21:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 18 2
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu dambeeyay: Cudurka Carona oo kumanaan ku dilay Mareykanka iyo Yurub.

    Cudurka Carona Virus ayaa gallaaftayn nolosha dad ka badan 21,306 qof (kow iyo labaatan kun sedax boqol iyo lix qof) sida lagu sheegay warbixinno rasmi ah oo lasoo saaray maanta oo khamiis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Carona Virus ayaa gallaaftayn nolosha dad ka badan 21,306 qof (kow iyo labaatan kun sedax boqol iyo lix qof) sida lagu sheegay warbixinno rasmi ah oo lasoo saaray maanta oo khamiis ah.


dadka uu soo ritay cudurka Carona ayaa lagu sheegay in ay ka badanyihiin nus milyan ruux, wadanka Spain saacadihii lasoo dhaafay waxaa ku dhintay 738 ruux, halka talyaaniga ay ku dhinteen 683 ruux 24 saac gudahood, wadanka Faransiiska 231 ruux ayaa 12 saac gudahood ku dhintay, wasaaradda caafimaadka Talyaaniga ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dhimashada guud ee Carona ay gaarsiisantahay 7503 (Todobo kun shan boqol iyo sedax ruux),

Wadanka Mareykanka dhimashada ayaa gaartay 1030 (kun iyo Sodon ruux) halka Mareykanku uu ku jiro liiska sedaxaad dowladaha ladhiban Carona Virus waxaana ka horreeya oo kaliya Talyaaniga iyo Spain.


Cudurkan ayaa si xowlli ah ugusii fidaya caalamka isagoo aan kala reebay cad iyo madoow ,muslim iyo gaal balse kuwa ugu badan ee ku halaagsamaya ayaa ah gaalada sida nasaarada iyo mushrikiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items