Qaraxyo 7 Askari looga dilay ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka dhacay.

Saturday March 28, 2020 - 07:21:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Qaraxyo 7 Askari looga dilay ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka dhacay.

    Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo shalay oo Jimco aheyd lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli ay marayeen wadada laamiga xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari taaw ah oo Muqdisho lagu qarxiyay
Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo shalay oo Jimco aheyd lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli ay marayeen wadada laamiga xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.


Qaraxa koowaad  wuxuu haleelay gaari Booyad ah oo qeyb ka ahaa koloyada kaas oo gabi ahaanba burburay sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa waxaa isna lagu burburiyay gaari Xamuul ah halkaasna waxaa ciidamada shisheeye ku gaaray khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Ugu yaraan 7 askari ayaa uga geeriyootay qaraxyada halka ay uga dhaawacmeen tiro kale. Mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegatay Xarakada Al-Shabaab.


Ciidamada shisheeye ayaa muddo ku sugnaa wadada qaraxyada lagula beegsaday iyagoo ku mashquulsanaa daabulidda meydadka iyo dhaawacyada, Askarta AMISOM  ee deggan Xalane  waxaa aad ugu adag in ay sahayda gaarsiiyaan saaxiibadooda ku sugan xerada Maslax ee Suuqa Xoolaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items