Maamulka 'Jubbaland' oo beeniyay in uu wadahadal lafuray dowladda Farmaajo.

Sunday March 29, 2020 - 08:32:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Jubbaland' oo beeniyay in uu wadahadal lafuray dowladda Farmaajo.

    Maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa si kulul ubeeniyay warar sheegayay in wadahadal ay kula jiraan dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa si kulul ubeeniyay warar sheegayay in wadahadal ay kula jiraan dowladda Farmaajo.


Maxamud Sayid Aadan oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka maamulka 'Jubbaland' ayaa sheegay in uusan jirin wax wadahadal ah oo ay kula jiraan dowladda Federaalka isagoo wararka lagu faafiyay baraha bulsahda ee sheegayay in uu wadahadal kula jiro Farmaajo ku sifeeyay been abuur ladoonayo in khal khal lagu geliyo maamulka Kismaayo ka jira.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal lagu xalliyo khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo iyo Kheyre balse marka hore ay doonayaan in DF-ka ay joojiso cadaadiska iyo caga juglaynta ay ku hayso maamulka 'Jubbaland' sida uu hadalka udhigay.


Dagaallo culus ayaa labada dhinac dhowaan ka dhaxmaray degmada Beled Xaawo ee xuduud beenaadka dhacda kadib markii dowladda Federaalka ay ciidamo badan geystay degmooyin Gedo katirsan ayna kala dirtay maamulkii Axmed Madoobe taabacsanaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items