Mas'uul katirsan dowladda Faransiiska oo cudurka Carona udhintay.

Sunday March 29, 2020 - 11:23:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsan dowladda Faransiiska oo cudurka Carona udhintay.

    Mas'uul sare oo katirsanaa dowladda Faransiiska ayaa kamid noqday kumanaan qof oo uu gallaaftay cudurka safmareenka ah ee COVID19 kaas oo fara ba'an ku haya dadka reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsanaa dowladda Faransiiska ayaa kamid noqday kumanaan qof oo uu gallaaftay cudurka safmareenka ah ee COVID19 kaas oo fara ba'an ku haya dadka reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka.


Patrick Devedjian oo horay usoo noqday wasiir hadane kamid ahaa dowladda hoose ee dowladda Faransiiska ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal kuyaal magaalada Paris kadib markii uu asiibay cudurka Carona Virus.

Patrick ayaa horay usoo noqday wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha intii udhaxaysay sanadihii 2008-2009, sidoo kale wuxuu noqday lataliyaha gaarka ah ee Nicolas Sarkozy madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska.

Ninkan halaagsamay ayaa hadda ahaay guddoomiyaha golaha deegaanka gobolka Hauts-de-Seine ee ku dhow magaalada Paris, wuxuu ahaa siyaasi 76 sana jir ah oo in mudda ah ku jiray siyaasadda wadanka Faransiiska.


Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in dadka Faransiiska ee udhintay Carona Virus ay ku dhowyihiin 2500 oo qof shalay oo kaliya waxaa dhintay sedax boqol oo qof, R/wasaaraha Faransiiska ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in labada isbuuc ee ugu horraysa bisha April ay filayaan halaag daran oo uu geysto Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items