Sawirro+Codad: diyaaradaha Mareykanka oo dad shacab ah ku dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Tuesday March 31, 2020 - 09:21:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 54 4
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: diyaaradaha Mareykanka oo dad shacab ah ku dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

    Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka habeen ka hor ka geysteen deegaan katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari shacab oo lagu duqeeyay duleedka Janaale
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka habeen ka hor ka geysteen deegaan katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Diyaarado Drone ah ayaa habeenkii sabtigu soo gelayay 27 March 2020 waxay duqeeyeen mooto dhug dhugleey ay la socdeen laba qof shacab ah, dadka ladilay oo ahaa xoogsato ayaa ka amba baxay degmada Buula Fuulay waxayna kusii jeedeen dhanka tuulada Doodaale oo qiyaastii 30Km ujirta Fulaay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka ladilay ay kala ahaayeen Cabdi Fataax C/ Raxmaan Aadan iyo Caddoow Caliyoow Keeroow, ehellada ragga ladilay ayaa warbaahinta uga warbixiyay qaabkii ay wax udhaceen iyagoona beeniyay sheegashada beenta ah ee Mareykanka ka timid oo aheyd in ay duqeyn ku dileen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.


Mareykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku gummaadaya shacabka Soomaaliyeed isagoo boor isku qaris ka dhiganaya dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Halkan ka dhageyso Warbixin laga diyaariyay qaabkii duqeyntu udhacday MP3






FG: waxaan ka cudur daaranaynaa in tayada sawirrada aysan wanaagsanayn

Related Items