AMISOM oo xayiraad kusoo rogtay Xerada Xalane.

Sunday March 29, 2020 - 15:16:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo xayiraad kusoo rogtay Xerada Xalane.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa lagu sheegay in si KMG ah albaabada loo laabay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa lagu sheegay in si KMG ah albaabada loo laabay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin dalka Soomaaliya.


Hoggaanka AMISOM ayaa sheegay in muddo 30 maalmood ah aan lageli karin lagana bixi karin Xalane sababa laxiriira cabsi laga qabo in cudurka Carona Virus uu ku dhax faafo xerada uuna laayo askarta iyo saraakiisha ku sugan.

Xayiraadan waxay saameynaysaa dhaq dhaqaaqyadii ay sameyn jireen diblumaasiyiinta shisheeye ee Xalane dhax deggan, shaqaalaha ajaanibta ee Hotellada iyo maqaayada ku dhax leh, dhammaan gaadiidkii saadka udaabuli jiray saldhigyada AMISOM halka ay baaritaanno adag wajahayaan saraakiisha Ururka Midowga Afrika ee kormeerka ku imaanaya xerada.


Warka kasoo baxay hoggaanka soo duulayaasha AMISOM ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday kadib markii uu sare ukacay halista Carona Virus, jimcihii lasoo dhaafay Q.Midoobay ayaa ku dhawaaqday in mid kamida shaqaalaheeda ku sugan laga helay caabuqa Covid19 balse ma sheegin dalka uu kasoo jeedo ruuxa ajnabiga ah ee cudurka laga helay.

Cudurrada halista ah sida Aidis-ka iyo Carona waxaa dalka Soomaaliya soo geliyay dad ajaanib ah kuwaas oo doonaya in ay dhibaato daran dhaxalsiiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items