Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay magaalada Garoowe.

Sunday March 29, 2020 - 21:38:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 69 2
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay magaalada Garoowe.

    Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu weeraray mas'uuliyiin sarsare oo katirsan maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu weeraray mas'uuliyiin sarsare oo katirsan maamulka Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

"Mujaahidiinta ayaa howlgal ku beegsaday mas'uuliyiin katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland khasaara xooggan ayaana cadowga gaaray" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in weerarka uu dhaawac garaab ah kasoo gaaray  guddoomiyaha gobolka Nugaal ninka lagu magacaabo Cabdi Salaan Xasan  Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska waxaana la sheegayaa in labada mas'uul ay xaaladooda caafimaad aad uliidato.


Magaalada Garoowe ayaa xarun u ah maamulka isku magacaabay Puntland waxaana magaaladan ammaankeeda si aad ah u adkeyn jiray ciidamo aad u fara badan.

wixii faah faahin ah ee kusoo kordha weerarkan dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items