Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo lagu dilay weerar ka dhacay Garowe.

Monday March 30, 2020 - 08:02:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 87 8
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo lagu dilay weerar ka dhacay Garowe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.


Wasiirka arrimaha gudaha maamulka 'Puntland' ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdi Salaam Xasan Xirsi oo ku magac dheeraa (Gujir) waxaana ku dhaawacmay sedax sarkaal oo guddoomiyaha la socday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka weerarka ku dhaawacmay uu kamid ahaa taliyihii hore ee Booliska gobolka Nugaal ninka lagu magacaabo Faarax Gallangooli, weerarkan oo xalay fiidkii ka dhacay meel ku dhow saldhigga dhexe ee magaalada Garowe ayaa beegsaday gaari ay wateen guddoomiyaha gobolka iyo saraakiil la socotay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay mas'uulkii ugu sarreeyay ee maamulka Puntland uqaabilsanaa gobolka Nugaal, Al Shabaab ayaa bilihii dambe sare uqaadday weerarada ay ka geysanayso gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items