Weeraro Saf ballaaran ah oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal degmada Janaale.

Monday March 30, 2020 - 07:09:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 17 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Saf ballaaran ah oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal degmada Janaale.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay muddo 4 goor ah weeraray fariisimo ay askarta DF ka sameysteen degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay muddo 4 goor ah weeraray fariisimo ay askarta DF ka sameysteen degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Wararka naga soo gaaraya Jannaale ayaa  sheegaya in Labo kamid ah weerarada ay dheceen galinkii hore ee shalay  halka labada kale ay dheceen galinkii dambe.

Weeraradu waxay ka dheceen gudaha degmada Jannaale waxayna goob joogayaal inoo sheegeen in ciidamada dowladda ay kasoo dagaalamayeen godadka iyo dhufeysyada halka ciidanka Al-Shabaab lagu arkayay gudaha magaalada.

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay dagaaladan balse wixii faahfaahin ah ee kasoo baxay waan idinla socodsiineynaa insha’allah.


Jannaale ayaa waxaa dhawaan qabsaday ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Ugan waxaana ay difaac ka dhigteen askarta DF.

Muddo 4 sano ka hor ayay ahayd markii Al Shabaab ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada Uganda ee Janaale kadibna waxay la wareegeen gacan ku heynta degmada halkaas oo sanado badan ay ku maamulayeen Shareecada Islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items