Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo Shaqada laga eryay iyo mid cusub oo la magacaabay.

Monday March 30, 2020 - 09:27:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo Shaqada laga eryay iyo mid cusub oo la magacaabay.

    Maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle' ayaa markale guddoomiye u magacaabay gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle' ayaa markale guddoomiye u magacaabay gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wareegto kasoo baxday Max'med Cabdullaahi Waare hoggaamiyaha Hirshabelle ayaa Cali Jayte Cismaan loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana xilkii uu hayay laga xayuubiyay Cali Max'med Caraale oo xilkan hayay muddo sanad iyo shan bilood ah.

Cali Jayte ayaa muddo laba jeer ah soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan balse sanad walba ayaa xilka laga xayuubinayay, ninkan hadda la magacaabay waxaa horay magaalada Beled Weyne uga eryay Yuusuf Dabageed.


Inta badan dhulka gobolka Hiiraan waxaa kajira maamullo islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab balse magaalooyinka waaweyn ee gobolka waxay gacanta ugu jiraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items