Sarkaal katirsanaa Waaxda Canshuuraha oo lagu dilay magaalada Boosaaso.

Monday March 30, 2020 - 09:29:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 23 2
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Waaxda Canshuuraha oo lagu dilay magaalada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay markale halkaas ku dileen sarkaal katirsanaa maamulka 'Puntland' ee arrimaha gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore Boosaaso
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay markale halkaas ku dileen sarkaal katirsanaa maamulka 'Puntland' ee arrimaha gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.


Xoogag hubaysan ayaa toogasho ku dilay mas'uul katirsanaa waaxda Canshuuraha gobolka Bari, sarkaalka ladilay oo lagu magacaabo jiray Max'med Muuse ayay raggii dilka ugeystay horay ugasii qaateen bastoolad uu watay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay gobolka Bari "Mujaahidiinta ayaa magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal katirsanaa waaxda Canshuuraha maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland bastoolad uu watayna waa ka qaniimeysteen" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.


Magaalada Boosaaso ayaa sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay marti gelinaysay weeraro saf mareen ah oo Al Shabaab ay ku beegsatay askar iyo saraakiil katirsan maamulka 'Puntland' waxaana weerarada kamid ahaa kuwa si toos ah loogu qaaday bara koontarool.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items