Kadib dilal qorshaysan iyo qaraxyo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda ayuu maamulka Puntland qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo amniga wax looga qabanayo.
Saciid Deni oo ah madaxweynaha maamulka 'Puntland' ayaa soo saaray wareegto cusub oo lagu magacaabayo taliye ku xigeenka Booliska gobolka Bari, sidoo kale Deni ayaa amray in la adkeeyo ammaanka magaalada Boosaaso.
Gaashaanlle dhexe C/fataax Maxamed Maxamuud Qaal ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka booliska qeybta Bari, Xarakada Al Shabaab ayaa bishan gudaheeda magaalada Boosaaso ka geysatay dilal iyo qaraxyo sidoo kale waxay weeratay saldhigyo ku yaal deegaannada Galgala iyo Balli Khadar.
Saciid Deni oo amray in la adkeeyo Amniga Boosaaso Taliye cusubna magacaabay.
Kadib dilal qorshaysan iyo qaraxyo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda ayuu maamulka Puntland qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo amniga wax looga qabanayo.