Qarax ciidamo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo Garbahaarey ka dhacay.

Tuesday March 31, 2020 - 09:07:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 19 0
  • Share via Social Media

    Qarax ciidamo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo Garbahaarey ka dhacay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay lagula beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga magaalooyin katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari looga gubay ciidamada Itoobiya
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay lagula beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga magaalooyin katirsan gobolkaasi.


Ugu yaraan 2 askari Itoobiyaan ah ayaa dhintay 4 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan lagula beegsaday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay ciidamada Itoobiya qarax miino ku weerareen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax weyn oo ka dhacay meel ku dhow saldhigga ugu weyn ee ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Garbahaarey, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada gummeysiga Itoobiya oo ku aaddan qaraxa ka dhacay Gedo, saraakiisha Xabashida kama hadlaan khasaaraha ciidamadooda kasoo gaara dagaallada ka socda Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items